Galkacyo, 19 June - Qarax bam oo caawa ka dhacay magaalda Galkacyo, dhaawac sahlanna u gaystay mulkiilaha hotel Guhaad ...
[Akhris ...] |
Galkacyo, 19 June - Qarax bam oo caawa ka dhacay Galkacyo, dhaawac sahlanna u gaystay mulkiilaha hotel Guhaad.
Abbaaro 8:00 fiidnimo ee caawa ayaa waxaa qarrax xooggan uu ruxey magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolka Mudug.
Qaraxan ayaa geystey dhaawaca inta la ogyahay dhaaca hal qof oo ay haatan xaalladdiisa laga soo deyrinayo, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil caafimaad oo ka hawl gala Cisbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyyo.
Hal uu ka dhacay Qaraxan meel u yara dhaw Hoteel oo waxyar u jirta Iskuulka Hoose Dhexe ee Umadda, ayaa sida dad goob joogayaal ahi ay sheegayaan waxaa lala beegtey Gaari Nooca yar yar ah ee loo yaqaan Mark II waxaa lala beegtey nin lagu sheegey in uu ahaa wadihii gaarigaasi dhaawac xooggan uu ka soo gaarey.
Dadka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si xooggan uu kacay dareenkooda markii uu dhacay Qaraxan, waxana dhawaq uu ka yeerey Jiinggadaha sare ee dhismayaasha Magaalada, iyada oo uu cirkana isku shareerey Qiic iyo Uuro Xooggan iyada oo ay ka soo carareen dad ka agdhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay.
Dhacdada Qaraxan waa tii Afraad oo muddo dhawr toddobaad ah gudaheeda ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka, Qaraxii ugu horreeyey ayaa waxaa uu ka dhacay Meel u dhaxeysey Saldhigga Bartamaha iyo Taliska Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug kaas oo aysan cidina wax ku noqon.
Qaraxii labaad ayaa waxaa lala beegsadey Xarunta ciidamada Sirdoonka ee PIS ee Puntland iada oo uusan qaraxan geysan wax khasaaro nafeed ah, iyada oo kii ugu danbeeyeyna uu lala beegsadey meel Shinneemo ah oo laga daawado Aflaanta waxaa sababey khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo aan yareyn.
Ma jirto illaa iyo iminka cid sheegata Mas'uuliyadda Qaraxan kuwii horey uga dhacay Magaalada. iyada oo ciidamada ammaankana ay gaareen ka dib markii uu qaraxan dhacay.
Qaraxyada iyo Falalka amni darro ee noocaan oo kale ah ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ay ka yihiin kuwo ugub iyada oo waxii ka horreeyey Batamihii bishii hore aan laga aqoon magaalada Qaraxyo aan cidina ka danbeyn.
Waxii warar ah oo ka soo kordha warkaan kala soco Daljir.
Maxamed Cali.
Daljir, Galkacyo. |
|
|