Go'aamo ka soo baxay shirkii Issimada Sool, Sanaag & Cayn ee Holhol & Buurawadal.
|
Buurawadal, Feb 08 - Shirkii mudada u socday Issimada gobollada Sool, Sanaag & Cayn ee waqooyiga Puntland ayaa waxaa ay Issimadu ka soo saareen go'aamo dhawr ah oo la naawilayo in ay raad ku yeelan doona itijaaha siyaasadeed ee mandaqada iyo afkaarta guud ee bulshada gobollada SSC, iyo gobollada kale ee Puntland.
Qoraalka Issimada ayaa u dhignaa sidan:
Bismilaahai Raxamaani Raxiim.
Golaha Issimada Dhulbahante
Shirkii Issimadda Dhulbahante ee Holhol iyo Buurawadal.
Waxaa shir iswaraysi iyo wadatashi ah ku yeeshay Buurawadal dhammaan Issimadda Dhulbahante, shirkaas oo horaantii lagu qabtay Holhol gogol uu dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Issimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka gardarada ah ee jamhada soomaali-diidka ahi ku soo qaadeen qaybo ka mida ah deegaanadooda, duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysan yahay xeryaha qaxootiyada ee kenya, Ethopia, Yemen, iyo xaruumaha gobolada kale ee Somaliya.
Waxaa nasiib daro ah in wadamada daneeya arimaha somaliya iyo hay,adaha caalamigu ayan wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa Tabaalaysan islamarkaana aaney dhaleecayn jabhadii kadanbaysay falal danbiyeedkaa loo gaystay shacabka reer laascaanood.
Saddexdii bilood ee u dambeeyey waxaa xaruunta deegaamada SSC ee laascaanood ka biaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka dambeeyaan maamulkaasi, si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhika shacabka reer laascaanood, waxaa xabsiyadda magaalooyinka mandheera, Burco, Caynaba, iyo laascaanood ku xidh xidhan Ganacsato, Odoyaal, siyaasiyiin, iyo Culimo Owdiin aan Wax dambe ah Galabsan.
Waxaa kaloo la barakiciyey walaalahaygii soomaaliyeed ee kasoo haajiray Colaadaha ka aloosan Gobolada lKoonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada, haddaba Waxaanu la socodsiinaynaa UN, urur Goboleedka IGAD, AU, Arab League, Dowladda Faderaalka iyo Cidkasta oo Danaynaysa Nabadgalyada Geeska Africa hadii aanay xal loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raag iyo riiq dheeraada yeeshana wajiyo badan.
Hadaanu nahay Guddiibja Goboladda SSC Waxaanu mar walba u Taagnahay Wadda noolasha umada Soomalyeed, ka shaqaynta daris wanaaga iyo nabadgelyada, arintaa waxaa marag cad u ah in xoolo dhaqatadii ka soo guurtay goboladda Togdheer iyo Waqooyi Galbeed ay maanta si nabadgelyo ah ku daaqayaan deegaamada SSC.
Haddaba Waxaa muuqata in aanay jabhadaasi wax dana ah kalahayn dadkooda maadama dadka ay ka dhexayso Ceelka, Carshinta iyo Cowkuba, Hasse yeeshee Marnaba uma dulqaadan doono in dadkayga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maaul si xa loogu hello dhibaatooyinka haysta dadkayga Waxaanu si wada jir ah isula qaadanay qodobadaan:
1. Waxaanu samaynay Guddi la yiraahdo qusuusi.
2. Khusuusigu Waxay ka koobnaanayhsaa 21 xubnood, sadex ka midi dumar yihiin.
3. Khusuusigu Waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan ma badalaan hogaanka lagu soo dhisay Nairobi.
4. Khusuusidu Waxaa soo xulaya beelaha Waxaana ansixinaya issimada.
5. Khusuusidu Waxay iska dhexdooranayaan Gud. ku xigeen iyo xoghayn.
6. Khusuusida Waxay mudadooda ku egtahay sanad iyho badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.
7. Khusuusiga Waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 casho laga bilaabo maalinta gudoonkani soo baxo.
8. Khusuusiga Waxaa kala diri kara issimada saxeexay cod 2/3.
9. Shurudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.
FG: Issimadda ayaa kala hadlay Puntland hogaanka Nairobi in ay soo galaan gudaha si ay ula kulmaan Qusuusida.
Wacyi gelin.
Waxaa la dirayaa laba wafdi oo ka kooban issimada Cuqaasha iyo xubo ka mida qusuusida Waxaana loo kala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage e lagu jiro iyo siddi looga bixi lahaa.
Dhaqaale.
dhaqaalah Waa laf dhabarta lama huraanka ah ee loo baahan yhahay waana arin aan, la'eenteed suuroobi karin Waxqabad rasmi ah, Waxaana la isku Raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka Gudihiisa, Wixii Faahfaahin ah ee intaa dheer Waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.
Puntland.
Sida la wada ogsoon yahay sadexdii maamul ee ukala dambeeyay Puntland midba midka kale waa uga dacay iyo hagardaamo badnaa waxaana sahleen in laqabsado laguna fido qaybo ka mid ah deegaamada SSC, Waxaana Curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deemada, sidda darteed dhaqab iyo shacab baa waxaa uu cadaatay in xukuumada hada jirtaa anay diyaar u ahayn waxkaqabadka howshaa, hadaba waxaanu go,aansanahay in xaajadaa loo jawaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan, xukuumadda waxaan ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho howshan maanta lagudoomiyey.
Waxaa marnaba la ilaawi karin taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland isku dayadii lacuryaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobollada SSC hadana Waxaa looga baahan yahay Taageero hiil iyo hooba ah.
Magacyadda Issimada Saxiixay.
1. Garaad Jaamac Garaad Cali
2. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
3. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
4. Garaad Cabdilaahi Garaad soofe
5. Suldaan Siciid Cismaan Cali
6. Garaad Abshir Saalax Maxamed
7. Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur
8. Garaad Cali Buraale Hassan
9. Boqor Cabdilaahi Ahmed Cali
10. Garaad Cabdisalaam Xassan Maxamed
11. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqarre
12. Garaad Saleebaan Buraale Aw-Adam
13. Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed
14. Ugaas Faarax Maxamuud Cali.
Wabilaabi Towfiiq.
Jaamac Maxamed Nuur Jeelle
Idaacada Daljir.
|
|
|